Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose yaa waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay inuu biyaha webiga Shabeelle ku soo fasaxay tuulooyin degmadaas hoos yimaadda.
Maamulku waxa uu intaasi ku daray in beero badan oo dhawaan soo go’ay ay biyahaasi baabi’iyeen, halka kumannaan qofna ay ku barakaceen.
Degmada Qoryoolay ayaa waxa ay muhiim u tahay wax soo saarka beeraha, dhanka kalana waxa ay isku xirtaa magaalooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha degmada Qoryooleey, Sayid Cali Ibraahim Xasan ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Qoryooley ay dhibaatooyin kala duwan ku qabaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa badanaa weerraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxa ay ku qaadaan saldhigyada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Midowga Afrika ee AMISOM.