Maamul Goboleedkii labaad oo si kulul uga hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab xalay ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaas uu sheegay in lagu dilay dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay.

Madaxweynahu wuxuu Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in Al-shabaab isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media