Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii deysay laba kamid ah 7 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Saraakiil, kuwaasi oo loo heysto inay ku lug lahaayeen dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan.
Maxkamadda ayaa sii deysay laba Nin oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud Buuqsane, kadib markii Maxkamadda ku weyday wax dembi ah iyo inay ka qeyb qaateen dilka Marxuum Cabdixakiin Dhaga-juun.
Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa Eedda kala noqday C/raxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar, waxaa uuna codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay mar kale dib u bilowday dhageysiga kiiska dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun.
Fadhiga ay ka socoto Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay Saraakiil Booliis ah ku jiraan, Ehelada Marxuumka iyo xubno kale.