Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ka furmay mid kamid ah kulamadii caadiga ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kulankaas oo ah mid siweyn isha loogu haayo.
Ajendaja kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Khudbad uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo uga hadli doona Arrimo kala duwan.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa haatan waxaa ku sugan 184 Xildhibaan oo Xildhibaanadii ugu badnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo goorsii horeysay ee Maanta sii xaadiray, waxaana sidoo kale ku sugan Guddoomiyaha Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey iyo xubno kale.
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar qura isla soo galay Xarunta, waxaana Madaxweynaha uu bilaabi doonaa khudbadiisa.
Khudbada Madaxweynaha u jeedinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la sheegayaa inuu uga hadli doono arrimaha siyaasadda dalka, amniga iyo Arrimaha doorashooyinka aan weli la ogeyn xiliga ay dalka Soomaaliya ka dhacayaan.