Hadal ka soo baxay Ilaaladda Badda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ka badan 1,300 Tahriibayaal ah shalay lagu soo badbaadiyey 13 Hawlgal oo laga sameeyey Badda Mediterranean.
Tahriibayaasha la badbaadiyey ayaa la socday 13 dooni, waxaana u gurmaday Maraakiib ay leeyihiin Ciiddanka Badda Talyaaniga, Britain iyo kuwo Ganacsi.
Hawlgal kale oo la qaaday Arbacadii la soo ddhaafay, waxaa lagu soo badbaadiyey 1,300 kale, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.
Sannadkii la soo dhaafay, 181-kun oo Tahriibayaal ayaa gaaray Europe, iyadoo in ka badan 5,000 oo kalena la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.
©Radio Dalsan