Kenya oo awoodi weysay Kharajka dhismaha Derbiga ee Xuduudka Somalia

Fariida Karoney oo ah Wasiirka Arrimaha Dhulka ee dalkaasi, ayaa sheegtay in la hakiyey hawlihii Sahminta iyo dhismaha Derbiga laga waday Xuduudka Somalia, kadib, markii la waayey Kharajkii lagu socodsiin lahaa.

Waxay tilmaamtay in la dhisay 24 KM oo ka mid ah 150 KM ee uu ka koobnaan doono dhismaha Derbigaasi, iyadoo Sahminta iyo Khariidaynta Mashruucaasi la bilaabay sannadkii 2016-kii.

Dowladda Kenya waxay u qoondeysay  in ka badan 5.6 Billion oo Dollar, si loogu calaamadeeyo, looguna dhiso Xuduudaha Caalamiga ee ay Kenya la leedahay Somalia iyo dalalka kale ee deriska.

Hadalka ka soo baxay Dowladda Kenya waxa uu ku soo beegmay Heshiiskii Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan ku gaareen in gebbi ahaan la joojiyey Dhismaha Derbiga laga dhisayo Xuduudka Labada Waddan, kaasi oo Xiisad Diplomaasiyadeed iyo mid Amni-xumi ka dhex abuuri karta labada Waddan, gaar ahaan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor