Dowladda Jarmalka waxay klu gacan-sayrtay codsi ay Maraykanka ku doonayeen in Ciiddamo Jarmal ah loo dad-gureeyo dalka Syria, si ay ula dagaalamaan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.
Afhayeenka Dowladda Jarmalka,Isteffen Seybert oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay caasimadda dalkaasi ee Berlin waxa uu sheegay inaysan diri Karin ciiddanka ka dagaalama dhulka, si ay gacan u siiyaan Maleeshiyadda Kurdishka ee SDF ee ay Isbahaysiga Maraykanka taageeraan.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweyne Donald Trump ku booriyey Dowladda Jarmalka inay kordhiyaan Miisaaniyadda Difaaca.
Sidoo kale, Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, JamesJeffrey uu u sheegay Warbaahinta Jarmalka inay doonayaan in Ciiddan Jarmal kaalin ka qaataan sidi iay u beddeli lahaayeen Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Aagga, iyago oqeyb ka ah Isbahaysiga lagula dagaalamayo Kooxda Daacish-ta ku sugan gudaha dalka Syria.
Sannadkii hore, Madaxweyne Trump waxa uu shaaciyey in lagu guuleystay Dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxda Daacish, wuxuuna amray in la soo daad-gureeyo dhamaan 2,000 ee Askarta Maraykanka ee ku sugan gudaha Syria.
Dagaalka ilaa haatan ka socda dalka Syria waxaa lagu dilay in ka badan 370,000 oo qof, halka ay malaayiin kalena ku barakaceen tan iyo markii uu dagaalkaasi bilwoday sannadkii 2011-kii.