Hoggaamiyaha Ururka Xisbulalahi Lubnaan, Xasan Nasrullaahi oo ka hadlayey Munaasabadda Cashuura ayaa sheegay inuu Markabku maanta ka soo shiraacday Deked ku taalla Iran, lana filayo inuu ku soo xirto Dekedda ku taalla Caasimadda Lubnaan ee Beyruut.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Markabkaasi yahay kii ugu horeeyey oo Maraakiib badan oo Shidaal wada oo ay Iran u soo diri doonto Lubnaan oo ay ka jirto Shidaal La’aan daran.
Shidaal xumida dalkaasi k jirto waxay saamayn ku yeelatay Hawlihii Isbitaalada, Fornooyinka iyo Adeegyada kale ee muhiimka, kuwaasi oo qarka u saaran in albaabada loo laabo.