Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Hotel Maa’ida Ex naasa-habdool laba ee Degmada Xamarwayne,waxaana Taliyaha lala dilay qaar kamid ah Ciidamo ilaalo u ahaa oo la socday.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Ilaalada Hotel Maa’ida ay rasaas xoogan ku fureen gaari ay la socdeen Taliye Maxamed Abuukar Saleebaan oo loo yaqaanay (Maxaadeey) iyo Ilaaladiisa xili ay marayeen halkaas.
Intaas kadib ayaa waxaa la xaqiijiyay in Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku geeridooday isaga iyo 2 kamid ah Ciidamo ilaalo u ahaa rasaastii ay ku fureen Ilaalada Hotelka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soonaaliya oo xiliga uu falka ka dhacaayay ku sugnaa meel aan sidaa u fogeyn aaga ayaa tegay,iyagoona halkaas ka soo qaaday Meydadka.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ka ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilka Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ilaaladiisa oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.