Ciidamada amniga, gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugidda ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay howlgallo balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.
Ciidamo aad u badan ayaa lagu dhex arkayaa wadooyinka magaalada, waxaana saraakiisha ciidanku wadaan kormeerro ay ku marayaan baraha control ee gudaha iyo daafaha magaalada.
Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ayaa sheegay in Howgalkaasi ay kaga gol-leeyihiin sidii ammaanka Magaalada loo sugi lahaa, maaddaama falal ammaanka lid ku ah ay horay uga dhaceen Gudaha Magaalada.