Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali oo ah hoggaamiyaha koox burcad ah oo loo yaqaano Death Squad oo ka jirta Xaafadda Soomaalida ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa dalbaday in loo soo masaafuriyo Soomaaliya…
Wiilka Soomaaliga ayaa waxaa sanadkii hore ee 2020 dowladda Denmark ay ku riday xukun xabsi daa’in ah, kadib markii lagu helay dembiyo kala duwan oo uu galay, maadaama uu ahaa hoggaamiye koox hubeysan oo burcad ah.
Maxamed Cali oo 23 sanno jir ayaa dalbaday in loo soo masaafuriyo Soomaaliya, isagoo sababta ku sheegay inay tahay casbi uu ka qabo in noloshiisa khatar la geliyo, xili Denmark ay dooneyso inay u masaafuriso Sweden, si uu u dhammeysto xukunkiisa.
Sidoo kale Maxamed Cali ayaa Codsaday inuu ka tanaasulo dhalasha Sweden oo uu heysto, isla markaana waxaa uu dalbaday in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya intii la geyn lahaa Sweden, sida uu qoray Wargeyska Nyheter Ida ee kasoo baxa dalkaas.
Maxkamad ku taalla Denmark ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore xukun ku riday Maxamed Cali oo ah hoggaamiye koox burcad hubeysan, kadib markii lagu helay inuu dil u geystay rag ay iska soo horjeedeen oo ka tirsanaa koox kale ee Gaangistaro ahaa.