Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Go’doon ku jirta, kaddib markii toolooyin dhowr ah oo hoostega Magaaladaas uu fatahaad xoogan ku sameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii webiga Shabeelle.
Wasiirka Gargaarka iyo maameynta Musiibooyibka ee Hirshabeelle Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Jowhar ay ku jirto xaalad Go’doon, isla markaana waddooyinka soo gala Magaalada ay xireen biyo farabadan oo ka dhashay fatahaaddii webiga.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Caasimadda Maamulka xiligaan ay noqotay mid lagu soo geli karo oo kaliya doon, maadaama ay xirmeen inta badan waddooyinkii laga soo galayay oo ay ugu horreeyso wadada ka timaada dhinaca Garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in dadka ku sugan Jowhar iyo deegaanada hoostega ay heysato dhibaato, isla markaana gaadiidkii siday waxyaabaha dadka ay u baahan yihiin ay ku xayiran yihiin duleedka Magaalada oo aysan soo gudbi karin.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cabdimahad Cabullaahi ayuu Carabka ku dhuftay in fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeelle ay ku barakeen in ka badan todoba kun oo qoys, kuwaasi oo ay heysato xaalad bani’aadanimo.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa fatahaad xoogan ku sameeyay webiga Shabeelle, waxaana fatahaada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo burbur hantiyadeed, iyadoona ay ku barakaceen qoysas farabadan.