Hey’adda WFP oo baareysa raashin dhacay oo ay keentay Soomaaliya

Hey’adda WFP ayaa sheegtay in ay baareyso raashin la sheegay in waqtigiisa uu dhacay oo keentay hey’addasi magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay gacanta ku dhigay dhowr tan oo ah raashin waqtigiisu dhacay oo ay keentay diyaarad hey’adda WFP ay leedahay.

Ciidamada amniga ayaa xiray dhaqaale ka tirsan hey’adda WFP oo ku lug lahaa dhoofinta raashinkasi oo ku socday gobolka Gedo.

Layla Cali oo ka tirsan hey’adda WFP ayaa u sheegtay wakaalada Wararka SONNA in WFP aysan hubin raashin waqtigiisa dhacay oo ay u soo dirtay Soomaaliya,balse waxa ay sheegtay iney baarayan in raashinkooda si khaldan loo keydiyay.

Hey’adda WFP weli jawaab rasmi ah kama aysan bixin waxa keenay in raashin waqtigiisa dhacay ay u soo daabulan Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor