Haweeney Soomaali ah oo magaceeda lagu sheegay Muna Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay ganaax dhan 5 million oo Shillinka Kenya, kadib, markii lagu soo oogay inay si sharci-darro ku joogtay Kenya iyo inay ku dhoofi lahayd Baasaboor laga lahaa dalka Jeek Republic oo la been abuuray.
Garsoore Edna Nayaloti ayaa loo sheegay in Muna Cabdi Xuseen bishii hore ee March 15-dii lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee
Moi International Airport. Xilli ay doonaysay inay u dhoofto dalka Belgium, iyadoo isticmaalaysa Baasaboorka dalka Jeek Reboblik oo la been abuuray.
Muna Cabdi Xuseen oo qiratay Dembiga lagu soo oogay waxaa lagu ganaaxay 5 million oo Shillinka Kenya, iyadoo haddii ay bixin weydo muteysan doontaa waxaa loogu bedeli doonaa Xabsi 38 bilood ah.