Haween Soomaali ah oo degganaa Jesiiradda Qubrus oo muddo isbuuc ah la la’yahay

Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Jesiiradda Qubrus ayaa shaaciyey in la la’ yahay 3 Haween oo ka yimid Somalia, kuwaasi oo ahaa Qaxooti Magangelyo-doon degganaa Jesiiradaasi.

Haweenkaasi ayaa la sheegay in la la’ yahay muddo haatan laga joogo 2 isbuuc, lamina garanayo halka ay ku dambeeyeen.

Maqnaanshahooda lagu la’ yahay ayaa waxay mid muhiim ah ka dhigtay sida loogu baahan yahay in la sameeyo Lambar Cinwaan, oo gacan ka geysan karta Badbaadada Qaxootiga iyo Mgaangelyo-doonka ku sugan Jesiiradda Qubrus.

Xafiiska Hay’adda UNHCR ee Qubrus waxay kaloo sheegeen in loo baahan yahay in xarumaha lagu hayo Qaxootiga iyo dadka aan qaarin noqdeen meel lagu baro  baahida Adeegyadda iyo Arrimaha Maamulka ee gudaha Qubrus.

Dhinaca kale, Xafiiska UNHCR ee Qubrus waxay sheegeen in loo baahan yahay in taageero dheeraad ah la siiyo carruurta aysan waalidka la soconin, kuwaasi o oXeradda lagu hayo ka bixi doona marka ay da’da 18-jirka gaaraan iyo in ilaalo Khaas ah lagu hayo kuwo kale ee aan ku jirin Xerooyinka lagu hayo Qaxootiga.

Comments
Loading...