Haween Kanadiyaan oo ku xirnaa Hargeysa oo la sii daaayey

Labo haween u dhashay dalka Kanadiyaan oo lagu kala magacaabo Maymuun Cabdi oo 28-jir iyo Kariima Watt oo 23-jir ah ayaa laga sii daaayey Saldhigga Boliska ee Koodbuur ee magaalladda Hargeysa oo ay ku xirnaayeen.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Haweenkaasi oo xirnaa tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan lagu guuleystay in laga sii daayo xabsiga, kadib, markii ay Dowladda Kanada galaangal xooggan u galeen sidii loo sii dayn lahaa Haweenkaasi.

Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Hargeysa ayaa waxay horey Haweenkaasi ku xukuntay min 2 bilood iyo bar oo Xabsi ah, kadib, markii lagu soo oogay inay Qamri cabeen.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada waxay shalay oo Talaado ahayd xaqiijisay in labadaas Haween la siii daayey, inkastoo aysan Dowladda Kanada aqoonsaynin Maamulka Somaliland ee sheegta inay ka go’een dalka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media