Gudoomiyaha Degmada Hodan oo Dalsan u xaqiijiyay Geerida Injineer Turkiga U Shaqeyn Jiray

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banadir C/qaadir Cali Kulane oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyay Geerida Injineer Soomaali ah oo la shaqeynayay shirkad Dhismo oo laga leeyahay Dalka Turkiga.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in marka hore in Injineerka uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Qaraxa loogu xeray Gaarigiisa.

Gaariga waxa uu kula qarxay Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda Dowladda Waxa ay halkasi ka bilaabeen Baaritaano Xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor