Wararka laga helayo Magalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in Xabsi ku yaalla Magalada Garoowe lagu xiray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool Puntland Abukar Cabdi Geelle.
31-kii Bishii lasoo dhaafay ee December ayuu ku dhawaaqay in uu sababao isaga u gaar ah isaga casilay xilka Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Dowlad goboleedka Puntland.
Hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq wallow aan weli sirasmi ah loo faah faahin sababaha loo xiray.