Agaasimaha warbaahinta Madaxtooyada Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle ayaa u sheegay Idaacadda Radio Dalsan inay Wafdi ka kala socday Guddiga doorashooyinka Dadban ee Federalka, Taliyaha Hawlgalka AMISOM iyo Abaanduulaha Ciiddanka Xoogga dalka Somalia maanta ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Cadaado.
Mas’uuliyiintaas oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban , Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.
Wafdigaasi waxay Kulan la qaateen Madaxweynaha Galmudug, Ku-xigeenkiisa iyo dhamaan Saraakiisha Ciiddanka Xoogga dalka Somalia, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Ammaanka Goobaha Cod-bixinta iyo Madaxda u imaanayso Hawlaha Doorashooyinka.
Dhinaca kale, Ciiddan ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalladda Cadaado, si ay uga qeyb galaan Hawlaha lagu sugayo Ammaanka Guud iyo Ammaanka Xilliga ay Doorashooyinka dhacayaan.
©Radio Dalsan