Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxweynaha Galmudug

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ayaa xafiskiisa ku qaabilay Madaxeeynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye.

Kulanka dhexmaray Guddoonka Aqalka Sare iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka 2020/2010 iyo arrimaha  Galmudug.

Madaxeeynaha Galmudug oo ay la socdaan wafdi ay kamid yihiin xubno isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas ayaa haatan ka qeyb galay kulan u socda Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare.

Qoorqoor ayaa khudbad  u jeedinaya Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare, waxaana Khudbadiisa uu uga hadli doonaa Xaaladda Galmudug, dib u heshiisiinta, amniga, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha doorashada 2021 iyo maareynta marxaladda klala guurka.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kahor jeediyay warbixin isaga oo ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, isaga  oo warbixin kahor jeediyay haatan Guddiga Joogtada Aqalka Sare -BFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media