Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, iyadoo goobaha ganacsiga Degmada ay yihiin kuwo xiran.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka degaanka ay ka caraysan yihiin bur-burin la sheegay in Dowalddu ay ku sameyn rabto Xaafado ka tirsan magaalada Afgooye, taasina waxaa ay keentay in dadka degaanku ay tallabadaasi ka caroodaan.
Magaalada ayaa saka waxaa xiran goobihii ganacsiga , waxaana Magaalada qaybo ka mid ah lasoo dhoobay Ciidamo malleyshiyaad ah oo aad u hubeysan, kuwaasi oo la sheegay in haatan ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka degaanka ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan bur-burin la sheegay in lagu sameynayo qaybo ka mid ah magaalada oo ay daggan yihiin dad shacab ah, waxaana dhawaan Magaalada ka dhacay Bannaanbaxyo waa weyn oo dadka degaanka ay kaga soo hor jeedaan tallaabadaasi bur burinta ah ee la doonayo in dadka degaanka lagu barakiciyo, inkastoo aysan wali la billaabin, haddana dadka degaanku waxaa ay kusoo warramayaan in Dowladdu ay doonayo in ay ka barakiciso Goobahaasi.
Waxaa saaka laga dareemaya degmada xaalad kacsanaan ah, waxaana Magaalada lasoo dhoobay Ciidamo hubeysan oo Malleyshiyaad ah,kuwaasi oo wararku ay tilmaamayaan in ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Magaalada, sida Buundooyinka oo lagu arkayo Ciidanka.