Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland waxaa Maanta markii ugu horeysay ka furmay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wsiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaana Shir gudoomiyey ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyay Sharciyo ay ka mid yihiin Xeerka Saxaafada oo isbedel lagu sameeyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya .
Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo. Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.
Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii dowladda Federaalka Soomaliya ee kan ka horeeyay ayaa ah Xildhibaan Sharafeed kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya maadaama dstuurka uu qabo in Qofkii Madaxweyne horay uga soo noqda dowladda Federaalka uu waligiis ahaanayo Xildhibaan