Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ansixiyay magacaabista xubno cusub

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-

Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow)

Faysal Cabdulaahi Warsame

Maxamed Xasan Cumar.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply