Golaha Ammaanka QM oo ka Shir ka yeeshay A/Doorashada Somalia

Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa kulan ku yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulanka Golaha ayaa intii socday waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Sanadka 2020-ka iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, isagoona ka hadlay Doorashada 2020-ka.

James Swan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in muhiim ay tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan sharciga Doorashada iyo meel-marinta wax kabadalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka Diseember si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada 2020.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media