11 ka mid ah 15-ka Waddan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raaciyey in ilaa bisha November ee sannadka soo socda ee 2018-ka lagu kordhiyo Go;aankii lagu qafiifiyey Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalka Somalia.
Qaraarkaasi waxaa ka maqnaa Wakiiladda 4-ta Waddan ee kala ah: Britain, Raashiya, Shiinaha, Masar iyo Boliifiya.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ka codsadeen Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eriteria (SEMG) inay baaraan Shixnadaha Kiimikadda ee loo soo dhoofiyo Somalia, kuwaasi oo laga yaabo in loo adeegsado Farsamaynta Qaraxyadda loo yaqaano I.E.D., waa sida l;agu xusay Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM.
Goluhu waxay si gaar ah u tilmaameen Kiimikooyinka ay Kooxdaasi baari doonaan kala yihiin:AMOONIYAN NITARATE, BOTAASIYUM KOLARAAT IYO SOODIYAM KOLARAAT.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay xilli-kordhin hal sanno ah ugu dareen Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eriteria (SEMG), kuwaasi oo hawshooda ku ekaan doonto ilaa bisha December 15-da ee sannadka soo socda 22 2018-ka.