Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la cusbooneysiiyo cunaqabatayntii saarnayd kooxda Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo dhaqaalaha iyo hubka ay kooxdaasi hesho.
Xubnaha 15-ka ah ee Golaha Ammaanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2776, kaas oo kordhinaya xayiraadaha dhanka dhaqaalaha, hubka, iyo agabka kale ee Al-Shabaab ay heli karto.
Qaraarkan cusub ayaa siinaya waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood dheeraad ah oo ay ku fulin karaan tallaabooyin adag oo ka dhan ah ilaha dhaqaale ee kooxda, sida ka ganacsiga dhuxusha iyo helitaanka hub sharci-darro ah.
Qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka ayaa xoojinaya tallaabooyin horey loogu qaaday xannibaadda Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaraya:
Xayiraadda Hubka – Waxaa mamnuuc ka ah in hub ama saanad millatari oo aan sharciyeysneyn la geliyo gudaha Soomaaliya, si looga hortago in hubku gacanta u galo kooxaha argagixisada ah.
Qabashada Agabka Mamnuuca ah – Dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxaa loo oggolaaday in ay qabtaan, baabi’iyaan ama hakadaan agabka sharci-darrada ah ee lagu tuhmo in Al-Shabaab loo wado.
Joojinta Dhoofinta Dhuxusha – Waxaa si adag loo mamnuucay in dhuxusha laga dhoofiyo xeebaha Soomaaliya, maadaama dhaqaalaha ka soo xarooda uu qeyb weyn ka yahay maalgelinta kooxda Al-Shabaab.
Kordhinta Muddada Cunaqabataynta – Xayiraadaha saaran Al-Shabaab iyo ilaha ay ka helaan dhaqaalaha ayaa la cusbooneysiiyay ilaa 13-ka Diseembar 2025, taas oo siinaysa waqti dheeraad ah dadaallada lagu xoojinayo ciribtirka dhaqaale iyo taageero kasta oo kooxda heli karto.
Si loo hubiyo in qaraarkan si buuxda loo dhaqan geliyo, Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dib u cusbooneysiiyay shaqada Guddiga Cunaqabataynta Qaramada Midoobay, kaas oo si gaar ah ula socon doona fulinta xayiraadaha, isla markaana qiimeyn doona saamaynta ay ku yeelanayso xaaladda amni ee Soomaaliya.
Cunaqabatayntan la cusbooneysiiyay ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, taas oo weli caqabad weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ayaa aaminsan in xayiraadahan ay hoos u dhigi karto awoodda Al-Shabaab ee helidda hub, saanad millatari, iyo dhaqaale ay ku sii wadaan weerarradooda.
Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay wado dagaal ballaaran oo lagu baacsanayo Al-Shabaab, kaas oo ay kaalin weyn ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday beesha caalamka in la xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxda, si loo jabiyo shabakaddooda dhaqaale iyo taageerada ay ka helaan ilo kala duwan.