• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO) Xukuumadda Cusub ee la naawiliyo: mid Tisqaada, mise Dhicis noqota ?

Bilan Media by Bilan Media
March 11, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Tan iyo markii ay Xildhibaanadda BFS bishan March 1-dii Codka Kalsoonida siiyeen Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa la hadal-hayaa Nooca Xukuumadda ee la soo dhisayo, Tiradda iyo Tayadda Wasiiradda yeelan doonaan iyo haddii ay noqonayso Xukuumad Wadaag Qaran.

Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaana mashquul noqday, waxaana la sheegay inay 300 Codsiyo Xilal-Wasiir dul dhooban yihiin Miiska Xoghaynta RW Kheyre.

Waa Imtixaan Siyaasadeed la soo wada eegyo, Indha-indheyn iyo Falaanqeyn badan ayaana lagu qiimeynayaa Xulashadda Golaha Wasiiradda iyo sida la isku waafijin karo Nidaamka Awood-qeybsiga Siyaasadeed.

Ma sahlana in maalmo kooban lagu soo bandhigo Liiska Xukuumadda Cusub, waxaana loo baahan yahay in doc kasta laga eego Saami-qeybsiga Golaha Wasiiradda iyo Tayada Murashixiinta Heerka Wasiir.

Guux-siyaasadeed ayaana durbadiiba bilawday, waxay Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda galka kala baxeen Seefta, waxayna ka war dhowrayaan Magacaabista Xukuumadda.

In la marxabeeyo Xukuumadda Cusub ayaa rajo kooban leh, waxaana aad loo hadal-hayaa in 90% lagala hor imaan doono Looma Dhama Golaha Wasiiradda iyo Beelaha la soo mutuxan Xubnaha nala siiyey waa sed quursi leh, waana hab-dhaqan lagu soo waayo qaatay.

 

Marka si hoose aad ula sheekeysato Siyaasiyiinta geed-fadhiga u ah Beelaha, waxa uu mid kasta kuu sheegayaa in Xilka Wasiir ee ay ku qanacsan yihiin kuw Heerka 1-aad, taasi oo ay ula jeedaan Wasiiradda miisaanka Siyaasadeed leh, sida Arrimaha Gudaha, Dibedda, Difaaca, Amniga Qaranka, Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.

Dhamaan waxaa indhaha lagu hayaa Xilalkaasi, waxaana jira Beelo iyagu asteystay dhowr Wasiir oo muhiim ah iyo kuwo Hankooda ku kooban yahay Wasiir keliya aan ka helno Xukuumadd Cuusb.

Ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in la dhisayo Xukuumad ilaa 25 Wasiir, oo ay ku sidkan yihiin Ku-xigeeno Wasiir iyo  Wasiir-dowlayaal, wuxuuna RW Kheyre La-tashiyo la yeeshay Odayaasha Dhaqanka oo uu ka dalbaday inay u soo gudbiyaan Xubnaha uga mid noqdo Golaha Wasiiradda, oo aysan ka soo daba hadli karin.

Qaar ka mid ah Odayaashaa Dhaqanka ayaa iyagu ku celiyey RW Kheyre inuu isagu Beelahooda u soo magacaabo, taasi oo u muuqata Hal-xiraale Siyaasadeed.

Wasiiradda Qurba-jooga iyo kuwa Qaran-jooga ayaa waxa iyagana ka dhex taagan Loolan, waxayna Qurbo-joogta Codsiyada Khibradooda ku lifaaqayaan Nuqulka Aqoonsiga Muwaadinimo ee ay ka haystaan dalalka Reer Galbeedka.

Khubarada ayaa rumeysan in Xukuumadda Cusub miisaan xooggan ku yeelan doonaan Qurba-joogta, sida ay haatanba ugu xooggan yihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.

Dhinaca kale, Gorgortan kale ayaa waxa uu feer socda Xilalka Wasiirnimo, waxaana aad loo hadal-hayaa Xilalka Taliyayaasha Ciiddamadda Qaranka, Maareeyayaal, Guddoomiyayaal Hay’addo, Bangiydda, Agaasimayaal Guud, Danjirayaal iyo Hay’adaha kale ee Dufanta iyo Miisaanka iyo magaca leh.

Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamayo inuu RW Kheyre ku jahwareeri karo Talooyinka iyo Xulashadda Xukuumadiisa, iyadoo la dareemi karo inay RW mowjado badan ku faruuran yihiin, laguna cadaadin karo Wasiiro boosas loo raadinayo, kuwaasi oo ka madax bannaan Xulashadda Beelaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Xilliga lagu dhawaaqi doono Xukuumadda Cusub iyo Fursadaha ay ku hanaqaadi karto ama ku dhicisin karto Xukuumadda cusub.

©Radio Dalsan

 

Previous Post

NISA oo soo Bandhigtay Saraakiil Alshabaab ah

Next Post

Masjidka Somalida ee Gotoberg Dalka Sweden oo dib loo furay

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Next Post

Masjidka Somalida ee Gotoberg Dalka Sweden oo dib loo furay

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay Qorshaha Hiigsiga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka...

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay...

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

In a landmark move signaling a bold new era for Somalia’s future, President Dr. Hassan Sheikh Mohamud today officially launched...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

"Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country
English News

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • “Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
  • Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00