Xalay tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray xerada Xalane iyo xaafadaha ku dhow, taasoo sababtay khasaare u badan dhaawacyo. Xerada Xalane, oo ah goob muhiim ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada ATMIS iyo xarumaha diblomaasiyadeed ee reer galbeedka, ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay weeraro hoobiyeyaal ah.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 hoobiye lagu soo tuuray aagga xerada, labo kamid ahna ay ku dhaceen gudaha xerada. Warbixinnada qaar ayaa tilmaamaya in hoobiyeyaasha qaar ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ahi deggan yihiin, taasoo keentay dhaawacyo, inkastoo aan la sheegin tirada saxda ah ee dadka waxyeelloobay.
Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkan, mana jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ama cidda ka dambeysa weerarka. Si kastaba, baaritaano dheeraad ah ayaa lagu wadaa goobaha ay hoobiyeyaashu ku dhaceen si loo xaqiijiyo xogaha dheeraadka ah.
Weerarada noocan oo kale ah ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay, iyada oo ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya aysan weli soo bandhigin tallaabooyin waaweyn oo looga hortago ama looga daba tago kooxaha fulinaya weeraradan. Tani waxay abuurtay walaac badan oo ku saabsan xasilloonida magaalada iyo amniga goobaha muhiimka ah.