Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Jugta madaafiic xoogan oo laga maqlay gudaha Xarunta AMISOM ee xalane iyo nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Tirro madaafiic ah ayaa la sheegay in Caawa lagu weeraray Xarunta AMISOM ee xalane oo ay ku dhex yaallaan Xafiisyada UN-ka iyo Safaarado dhowr ah.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen Jug xoogan oo madaafiic ah, ayna dareemeen cabsi.
War qoraal ah oo lagu faafiyay Baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Xalane.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa iyo 5 madfac lala eegtay Xarunta Xalane ay ku yaallaan xafiisyo dhowr ah, isla markaana uu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan la cadeyn.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya iyo dowladda oo ay hadlayaan weerarkaas la sheegay in lagu qaaday Xarunta AMISOM ee xalane.