Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen inay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, iyadoona uu qarxay xili uu marayeen inta u dhexeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-Koontarool ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan laba Askari oo la socday gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaas, isla markaana waxaa goobta qaraxu ka dhacay tegay Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo xiligaas goobta ka Agdhawaa, iyagoona goobta xiray, hayeeshee markii dib ayay u fureen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka dowladda, taasi oo weli aan ogeyn Khasaaraha ay geysatay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Comments
Loading...