Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax Miino oo saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro.
Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay,isla markaana lala eegtay Gaari Qooqan ah oo marayay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan laba ruux oo la socday Mooto Bajaaj oo xiliga falka ka dhacayay marayay laamiga ayaa ku dhaawacmay qaraxaas,waxaana la tilmaamay in gaariga qaraxa lala eegtay uu badbaaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka qarau ka dhacay,iyadoona xiray aagaas,hayeeshee markii ay baaritaano kooban sameeyeen dib u furay sida ay sheegeen dad halkaasi Ganacsi ku leh.
Ilaa iyo hada lama oga cidda wadatay gaariga ka badbaaday qaraxasi ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho,isla markaana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka.