Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd halkaas lagu dilay Nin shacab ahaa kana mid ahaa dadka deegaanka.
Dilkaan oo ka dhacay Xaafad ka tirsan Dhuusamareeb ayaa waxaa Ninkaas u geystay Nin kale oo la dhashay, kaasi oo falka kadib goobta si deg deg ah ugu baxsaday.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dilka uu Nin kale ee walaalkiis ahaa u geystay uu ka dambeeyay, kadib markii labada Nin uu soo kala dhexgalay Khilaaf xoogan, iyadoona ugu dambeyn mid kamid ah la dilay.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa xaafadaha kala duwan ee Magaalada ka wada howlgal lagu raadinayo ninkii ka dambeeyay Ninka walaalkiis la dhashay, kaasi oo baxsaday falka kadib.
Deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dhcdooyinka noocan oo kale, kuwaasi oo inta badan ka dhasha Murano soo kala dhexgalay dadka isla dhashay.