Wara dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay waaberigii hore ka dhacay Gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Degmada Balcad, waxaana intaas kadib halkaas ka qarxay dagaal socday daqiiqado kooban.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay Balcad uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ugu yaraan 3 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowldda kuna sugnaa Koontaroolka la weeraray ayaa halkaas ku geeriyooday, waxaana durbo goobta gaaray Ciidamo kale oo ka mid ah dowladda oo soo qaaday Meydadka Askarta la dilay.
War qoraal oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona sheegtay inay halkaas ku dileen Askar ka tirsan dowladda.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Balcad oo ay uga hadlayaan weerarkii saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halkaas.