• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo u hoggaansamay amarka DF ee Soomaaliya kasoo baxay.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 23, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo u hoggaansamay amarka DF ee Soomaaliya kasoo baxay.
39
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ku saabsan in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay duulimaadyadooda Hargeysa ka dhigaan “Hargeysa, Soomaaliya” halkii ay horay uga dhigi jireen “Hargeysa, Somaliland.” Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan inay xaqiijiyaan in hawada dalka oo dhan ay hoos timaado maamulkeeda, iyadoo aan wax aqoonsi ah loo siineynin maamulka Somaliland ee ku andacoonaya inuu yahay dal madax-bannaan.

Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa si degdeg ah u fuliyey amarkan, iyagoo ku dhawaaqay inay ka waafaqsadeen duulimaadyadooda Hargeysa, si loo waafajiyo amarka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Flydubai ayaa si cad u shaacisay in duulimaadyadooda ay hadda ku qorayaan “Hargeysa, Soomaaliya,” halka Ethiopian Airlines ay ku soo koobtay magac ahaan kaliya “Hargeysa,” iyada oo aan caddeyn sida Dowladda Federaalka uga jawaabi doonto go’aankaas.

Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyey dadka reer Somaliland, oo u arkay arrintaan mid khatar ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida ay ku doodaan. Dadweynaha qaar ayaa si cad uga hadlay dareenkooda, iyagoo sheegay in shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay ku xadgudbeen qaranimada Somaliland oo ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka ee Muqdisho.

“Waxaan aad uga xunahay in shirkadaha diyaaradaha ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, markii ay u hogaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa.

Dhanka kale, maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana la sugayaa tallaabada ay ka qaadan doonaan shirkadahaas diyaaradaha ee u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Amarkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa magaca Somaliland ee loogu isticmaalayey duulimaadyada Hargeysa, taasoo muujineysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u dadaaleyso in Somaliland loogu arko qayb ka mid ah Soomaaliya. Tani waxay ku noqotay dhabaha riyada gooni u goosadka ee maamulka Somaliland, taasoo ay ku riyoonayeen inay mar uun noqdaan dal madax-bannaan.

Previous Post

SOMALIA SAYS NO TO ETHIOPIA INCLUSION IN AUSSOM, ACCUSES ENDF OF PAST ATTROCITIES

Next Post

Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Next Post
Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Nuxurka khudbaddi ay xalay Kamala Harris ku soo xirtay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Shirka dhammaystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyada oo si weyn diiradda loo saarayo ajandayaal muhiim...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Nigeria ka dib...

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Mareykanku uu dalka Ukraine u diri doono gantaallada difaaca cirka ee...

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

by Liban
July 14, 2025
0

Lamu, Kenya – In a move aimed at deepening bilateral cooperation and supporting development in regions with a strong Somali presence,...

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
English News

Somali Envoy Visits Kenya's Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
English News

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
  • Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
  • Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00