Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee eastafricamonitor.com waxay Dowladda Ethiopia la baxaysaa inta badan Ciiddankaasi, iyadoo horey ula baxday Kumanaan kale oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Somalia.
Khubaro badan ayaa tilmaamay in bixitaankaasi u sabab tahay Deganaansho la’aanta sii kordhaysa ee ka jira gudaha Ethiopia, inkastoo ay Dowladda Ethiopia beenisay arrintaasi.
Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, Joseph Kibet Murrey oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in daad-guraynta Ciiddanka Ethiopia inay marnaansho ku keeni karto Hawlgalka AMISOM.
“Arrintaasi waxay AMISOM ku khasbaysaa inay dib uga fekeraan sidii aynu dib ugu qabsan lahaayeen goobahaasi, loona xafidi lahaa goobahaasi” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inay xaqiiqo tahay in Ciiddanka Ethiopia ee laga saarayo Somalia ay waxyeello ku tahay Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia ayaa beenisay Eedeymahaasi, iyadoo sheegtay in Go’aankooda yahay mid loo qaadayo Arrimo dhinaca mmaanka, kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi Xukun Degdeg ah ku soo rogay dalkaasi.
©Radio Dalsan