Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabislan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka QM ee taageriidda Somalia, James Swan waxa uu ballan qadaay inuu ka shaqeyn doono sidii ay somalia u noqon lahayd Nabad iyo Barwaaqo.
Ergayga oo shalay soo gaaray Muqdisho waxa kale oo uu sheegay inay Somalia iyo Daneeyayaasha Caalamka kala shaqeyn doono Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo sidii loo dhamaystiri lahaa dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Barwaaqadda ee Somalia.
Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabislan Arrimaha Somalia, James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka waxa uu xilka kala wareegay Ergaygii hore ee Somalia, Nicholas Haysom oo u dhashay dalka South Africa, balse haystay dhalashadda dalka Britain.
Dowladda Federalka ayaa cayrisay Nicholas Haysom , kadib, markii lagu eedeeyey inuu farageliyey Arrimaha Gudaha ee Somalia.
Ergayga cusub, James Swan oo 56-jir ah waxaa xilkaasi loo soo magacaabay bishii la soo dhaafay ee May 30-dii , waxaa markii ugu horreysay ee uu ka hawlgalo Somaalia ahayd muddo haatan laga joogo 25-sanno, xilligaasi oo uu ahaa Sarkaal Siyaaseed ee Xafiiska Ergaygii Khaaska ee Maraykanka ee Somalia muddadii u dhexeysay sannadihii 1994-kii ilaa 1996-kii.
James Swan waxa kale oo uu soo noqday Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika sannadihii 2007-dii ilaa 2008-dii.
Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Maraykanka ayuu so onoqday sannadihii 2008-dii ilaa 2011-kii iyo Ergaygii Khaaska ee Maraykanka ee Arrimaha Somalia muddadii u dhexeysay 2011-kii ilaa 2013-kii.
Waxa kale oo uu soo noqday Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Kongada Dimuqraadiga ee DRC muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2016-kii.