Wargeyska Khaliij Times ee Magaalada Dubai kasoo baxa ayaa shaaciyay in Shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airlines ay shuruudo hor leh ku xirtay Rakaabka dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.
Warbixin lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in dadka degan Abu Dubai ee doonaya inay raacaan diyaaradda Emirate Airlines looga baahan yahay in 96 saacadood kahor soo gudbiyaan shahaado cadeyneysa in aysan qabin Cudurka COVID-19.
Sidoo kale Khaliij Times ayaa laga soo xigtay in dadka Soomaalida ah ee doonaya inay ku safraan diyaaradda Emirate laga rabo inay heystaan Shahaado Caafimaadka ee sheygeysa in qofka uusan qabnin Cudurka COVID-19, xili Cudurka uu soo laba kacleeyay.
Shirkadda Emirate ayaa sababta dadka looga baahan yahay Shahaado ku caddeeysay inay tahay in Cudurka Coronavirus uu yahay mid halis ah, isla markaana qof kasta oo doonaya in uu raaco diyaaradeeda qasab ku tahay inuu heysto shahaado Caafimaad.
Dadka rakaabka ah ee dalalkooda shuruudaha Emirate ku rogtay ayaa waxaa kamid ah: Armenia, Australia, Austria, ,Belgium, Bosnia, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Maldives Islands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Somalia, South Africa, , Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom iyo United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle).
Shirkadda Emirate Airlines ayaa si duulimaad toos ah ku imaan Muqdisho, hayeeshee dadka Soomaalida ah ee doonaya inay tegaan Imaaraadka Carabta ayaa diyaaradda Emirate ka raaca dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, waxaana dadkaas ay isugu jiraan Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo xubno kale.