Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Toora tooroow ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ka dhacday duqeyn Diyaaradeed.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa lagu soo waramayaa in Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay Galabta duqeeyeen fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toora tooroow,welina lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay maqleen jugta culus ee weerarka duqeynta balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Sikastaba weli Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Shabeellaha Hoose iyo Al-Shabaab intaba.