Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz.
Kulanka ayaa looga hadlay , xoojinta iskaashiga ee dhinacyada , horumarinta Shaqada, Shaqaalaha , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada. Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa Safiirka la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh howlaha shaqo iyo hiigsiga Wasaaradda , iyadoo sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay sida loo horumarin karo.
“Turkiga waa saaxib iyo dal muhiim u ah waddankeenna, xilligaana dadaalladane waxay ka qaadan karaan door iskaashi oo muhiim ah. “ayuu yiri Wasiir Biixi.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday , sidii loo dhaqangelin lahaa is-afgarad ay horey u gaareen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo dhigeeda Dalka Turkiga.
Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha , xirfadaha , taageerrada Bulshada iyo kor u qaadista shaqada,
sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaallada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.