Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga Hulusi Akar Said.
Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagantahay Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa uu kaga mahad celiyay dawladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan CXDS, sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tababaro siiya Ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan, waxaana sanadkaan gudihiisa dalkaas lagu soo tababaray kummanaan Askari.