Tirada dadkii loosoo qabtay Qaraxii Hotelka SYL oo la shaaciyay

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Abuukar  ayaa waxaa uu ka warbixiyay dad looga shakisan yahay in ay ka dambeeyaan weerarkii Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xabsiga dhexe ay ku jiraan ilaa 11 ruux oo weerarkaasi looga shakisan yahay.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in dadkani gaaraya 11-ka qof maxkamad lasoo taagi doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sameysay Baaritaano ku Aadan cidii ka Dambeysay Qaraxii Hotelka SYL kaas oo dhacay 22-kii Bishii Janaayo.

Dadka Xeran ayaa waxaa kamida Saraakiil Ciidan iyo Askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor