Dowladda Somalia oo Maanta Deeq Gargaar ah kala wareegtay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah Deeq Gargaar ah kala wareegtay Dowladda Imaaraadka Carabta, taasi oo afar diyaaradood lagu keenay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Axmed Abuukar Axmed ayaa Garoonka Aadan Cadde, Dowladda Imaaraadka Carabta ugala wareegay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka.

Agaasime Axmed Abuukar Axmed ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta Deeqan Gargaarka aheyd ee Maanta soo gaarsiiyeen dowladda Federaalka, wuxuuna tilmaamay in la Deeqda ka gaarsiin doono dadka ay abaarta saameeysay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda Imaaraadka ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda la wareegidda mucaawinadaasi, oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Waa Deeqdii shannaad oo ay dalka soo gaarsiiyaan Dowladda Imaaraadka Carabta, iyagoona horey Imaaraadka u keenay Muqdisho Deeq Gargaar ah oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor