Dowladda Somalia oo ka Jawaabtay Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobeey ayaa dhawaan muddo sanad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta, uuna Soomaaliya galo hub sharci darro ah.

La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali ayaa BBC-da u sheegay inay nasiib darro tahay in ciidanka Soomaalidu ku dhintaan qaraxyo gacan ku samays ah iyadoo loo heli karo gawaarida gaashaaman ee iska difaaci kara qaraxyadaasi.

“Ciidamada waxay la dagaallamayaa cadow, shacabka iyo dowladda halis ku ah”, ayuu yiri Cabdisiciid.

“Waxay ahayd in cunna qabateynta la qaado maalinkii 600 oo qof oo Soomaali ah la laayay, 14-kii October 2017-kii Soomaaliya waad aragtaa looma arko in dhibkaas sidaa u xajmiga wayn in uu yahay dhib u baahan in laga hortago”.

Bishii Agoots ee sanadkan, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay.

Comments
Loading...