Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Digniin kasoo saartay fatahaado hor leh oo ay sameeyaan Wabiyada dalka ee kala ah Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo mara degaano ku yaalla Gobolda dalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa waxaa lagu shaaciyay in Maanta ama maalmaha xiga ay roobab xoogan ka da’aan Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Gargaarka ayaa sheegtay in meelaha Cabsida ka jirto ay kamid yihiin Magaalada Baladweyne, Jowhar, Baardheere iyo Doolow, sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in daadad roob ah ay ka da’i karaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Hoos ka Akhriso qoraalka Wasaaradda.