Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo joojiyay gebi ahaan duulimaadyaddii Caalamiga ahaa ee imaan jiray Magaalada Muqdisho iyo kuwii kabixi jiray.
Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ka hadlaayay telefashinka dowladda ayaa shaaciyay in la joojiyay duulimaadyaddii Caalamiga ahaa laga bilaabo 18-ka Bishaan Maarso ee 2020.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amraka lagu joojiyay duulimaadyadda uu kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali, isla markaana uu si rasmi ah u dhaqan geli doono 18-ka Bishaan Maarso.
Daqiiqado kahor ayay aheyd markii Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo kal horey ay karantiishay dowladda.
Sidoo kale Wasiirka Fowsiya ayaa sheegtay in qofka la helay Cudurka Coronavirus xaaladihiisa haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana haatan lala tacaalayo.