Wasiirka Waxbarashadda, hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda xilgaarsiinta Inj Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa booqday iskuulka al-Mucaasir ee Degmada Hodanm oo Maanta ku burburay qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay albaabka hore Iskuulka.
Wasiirka Waxbarashadda oo Warbaahinta kula hadlay bur-burka dhismaha Iskuulka Al-mucaasir ayaa Cambaareeyay Qaraxii saakay ka dhacay wadada Tarabuunka Kasoo horjeedka iskuulka Banaadir Sare (Almacaarif Iskuul) oo dhigtaan Arday farabadan.
Wasiir Cabdullaahi Abuukar ayaa waxaa uu balan qaaday in ay Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Federalka ee Soomaliya ka qeyb qaadaneyso dib-u-dhiska iskuulka Mucaasir oo ku burburay qaraxii Is-miidaaminta ahaa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Hey’addaha Caalamiga ah ee taageera Waxbarashadda Soomaliya iyo Ganacsatada Soomaliyeed in ay kaalintooda ka qataan dib u howl gelinta iskuulka si ay ubadkii wax ku baranayay usii wataan Waxbarashadoodi.
Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashadda xilgaarsiinta ayaa booqday Isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyada arday dhiganeysay iskuulka Mucaasir, isagoo ka Tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay ardayda iskuulka iyo bulshada Soomaliyeed ee wax ku noqotay Qarax saakay ka dhacay wadada Taraboonka ee Magaaladda Muqdisho.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii saaka, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan Arday, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo tilmaamtay inay la beegsadeen Saraakiil Caddaan ah oo wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacayay…