Dowladda Kenya oo sheegtay inay Soomaaliya tahay Dal caddow ku ah

Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin dhinaca Waqooyi inay u aqoonsadeen Dowlad caddow ah, kadib, markii ay xaraashtay xuduud-baddeedka Kenya ee ay ku jiraan Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya soo saartay ayaa lagu sheegay in Shirkii London ka dhacay bishan 7-dii ay Somalia ku soo bandhigtay Khariidad muujinaysa qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka ay Somalia iyo Kenya ku murunsan yihiin,

Qoraalka Dowladda Kenya waxay kaloo ku sheegeen inay Kenya u diyaarsan tahay inay difaacaan Xuduudahaeeda wax kasta ha ku qaadatee iyo dadka ku lug leh Arrimahaasi.

Hadalka Dowladda Kenya waxaa kaloo lagu sheegay inay  Shidaalka ay DFS xaraashtay ay iibsadeen waxa ay ku sheegtay Shirkado ka kala socda dalalka Britain iyo Norway, iyagoo xusay inuu Ra’isul-wasaaraha Somalia yahay Muwaadin haysta dhalashadda dalka Norway, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay u yeeratay Danjirihii ka joogay Somalia, Lukaas Tumbo, waxayna Danjirha Somalia u jooga Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarzan ku amartay inuu dib ugu laabto.

Wararka haatan soo ddhacayo ayaa sheegaya in Danjire Tarzan haatan ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Komo Kenyatta ee magaalladda Nairobi, isagoo ku soo wajahan Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, DFS weli si rasmi ah ugama aysan hadlin Go’aanka ay Dowladda Kenya ku shaacisay inay somalia u arkaan dal caddow ku ah Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media