Dowladda iyo xubno ka tirsan M/Goboleedyada oo kulan yeeshay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshay kulan Mareegta Internet-ka ah.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sidii si wadajir ah looga hortegi lahaa saameynta dhaqaale ee Curdurka halista ah ee Coronavirus iyo u adeegidda Shacabka inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

 “Waxaa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn saameynta dhaqaale ee Coronavirus iyo u adeegidda Shacabkeena maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadan” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyn Wasii Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay wadashaqeynta u dhexeeysa dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, taasi oo ku aadan dhinaca Maaliyadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media