Dowladaha Ruwanda iyo Ingiriiska ayaa lagu wadaa in ay saxiixdaan heshiis dhanka socdaalka ah oo ku saabsan in dadka sida sharci darrada ah ku soo galay Britain la geeyo Ruwanda.
Qaar ka mid ah dadka magangalyo-doonka ayaa la gayn doonaa dalka Rwanda si codsiyadooda looga baaraandego, sida uu dhigayo qorshaha cusub ee dowladda Britain.
Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa lagu wadaa inuu daaha ka rogo qorshahani, ka hor inta aysan xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel heshiis dhanka socdaalka ah la saxiixan dalka Ruwanda.
Golaha Qaxootiga ayaa dhaleeceeyay siyaasaddan oo ay ku tilmaantay “mid naxariis darro ah” waxayna ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo.
Xisbiga shaqaalaha aya dhankooda sheegay in qorshahani uu yahay mid “aan shaqayn karin, islamarkaana uu yahay mid loogu talagalay “in lagu carqaladeeyo” ganaaxa Mr Johnson ee jabinta sharciyada Covid-19.