Waaxda Dowladda Britain ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ( The UK Department for International Development (DFID) waxay ku bixinaysaa 1.5 million oo Geniga (£1.5 million) sidii maalgelin cusub loogu heli lahaa Mashaariicda muhiimka ee dalka Somalia.
Taageeradaasi ayaa la soo marsiin doonaa Bangiga Horumarinta Afrika (The African Development Bank) ee Sanduuqa Kaabayaasha Somalia, ee ka qeyb qaadashada Deganaanshaha Somalia, iyadoo diirada la saarayo Dib-u-dayactirka Kaabayaasha iyo Horumarinta, maalgelinya Tamarta, Biyaha, Caafimaadka iyo Gaadiidka.
Deeqdaasi waxay kaloo taageeri doontaa Xoojinta Awoodaah Dowladaha ee Horumarinta Kaabayaasha iyo Maaraynta iyo Tababarka Xirfadaha ee Dhallinyarada.
Maalgelintaasi waxay qeyb ka qaadan doontaa Dhismaha Dhaqaalaha Somalia, abuurista fursadaha Shaqo iyo Taageerida Nabadda iyo Dhismaha Dalka.
Madaxa Waaxda Dowladda Britain ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ( The UK Department for International Development) ee Somlia, Phil Evans ayaa sheegay inay muhiimad sare leedahay Horumarinta Dhaqaalaha Somalia, isla markaana ay Deeqdan cusub gacan ka geysan doonto Buundada farqiga Sanduuqa Deeq-bixiyayaasha Caalamka siiyaan Somalia.
©Radio Dalsan